WAR DEG DEG AH:- Qarax xoogan oo khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacantay oo ka mid ah uu ahaa wadihii gaari ku qarxay waddada Maka Al-Mukarama halka labada kale ay ahaayeen dad shacab ah oo waddada hareeraheeda marayay.

Ciidamo ammaanka oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa halkaasi ka bilaabay howgallo baaritaanno ah oo ay ku ogaanayaan gaariga qarxay, iyadoo wadihii gaariga iyo labada kale ku dhaawacmay falkaasi loola cararay goobaha caafimaadka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa tilmaamay in goordhaw ay shaacin doonaan gaariga qarxay in uu ahaa mid lagu soo xiray iyo in kale