Imaaraadka carabta oo Alshabaab u aqoonsaday urur argagixiso

0

Dowladda isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa soo saartay liiska ururada ay u aqoonsatay in ay yihiin ururo argagixiso, iyada oo ay kamid yihiin ururada Al-shabaab iyo ururka Ikwaan muslimiin.

Dowlada Imaaraadka ayaa waxay sheegeen inay jiraan ururo kale oo ay liiskaasi ku dartay waxaana ugu weyn ururada Al-qaacidda, Daacis (ISIS), Boko Xaraam, Daalibaan, midowga culimada Islaamka qeybta uu hoggaamiyo Sheekh Yuusuf Al-qardaawi.

Go’aanka ay dowladda Imaaraadka qaadatay ayaa waxaa uga horreeyay boqortooyada Sucuudiga Carbiya oo horay ururo argagixiso ugu oqoonsatay uruka Ikhwaan Muslimiinka, tallaabadaan ayaana imaaneysa kadib markii xilka laga tuuray madaxweynihii Masar ee Ikhwaanka ka soo jeeday.

Wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM oo soo xiganeysa  qoraal aya soo saareen golaha wasiirrada isu tagga imaaraadka ayaa sheegtay in baahinta liiskaan ay ka dambeysay kadib go’aan ay dowladda ku gaaratay in ay ku wargeliso muwaadiniinta khattarta ay kooxahaan u leeyihiin.