Dhageyso:Xildhibaanada Diidan Mooshinka ” R/wasaaraha Lama Jirno, Madaxweynahana Lama Jirno, QARANKAAN LA JIRNAA”.

0

Muqdisho, AGGM: Waxaa isa soo taraya Kacdoonka ka dhanka ah Mooshinka la doonayo in lagu manjo Xaabiyo Xukuumada uu hogaamiyo R/wasare Cabdiwli SheekH Axmed.

Mooshinkan ayaa waxaa lagu eedeenayaa in aysoo abaabuleen kooxda Damu Jadiid ee uu ka tirsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa waxaa si cad loogu hayaa laguna eedeenayaa inuu yahay nin doonaya inuu burburyi Qaranka Soomaaliyeed kana dhigo mid uu isagu suu doono ugu tagri falo.

Dhinaca kale Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay Madaxweynaha ku eedeenayaan inuu Yahay Kaligiitaliye aan awoodiisa ku kooban tahay inuu laaluush bixiyo balse aan lahayn wax kale oo awood ah.

Isku soo wda duuboo Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu marayaa R/wasaarihi labaad ee uu yiraahdo mawada shaqeyn karno, balse arinku sidaa waa uu ka duwan yahay Madaxweynaha ayaa haba yaraato’e aysan jirin cid la shaqeen karto, waxaana uu caadeeystay inuu laaluush ku kala jabiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya balse marakan waxaa lagu Yiri No Vote For Cash

Halkaan Hoose Ka Dhageyso….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com