Dhageyso+Sawirro: Faah-faahinta Qarixii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho…

0

Muqdisho, AGGM: Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay Wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, kaa oo qasaare sababay.

Warar hordhac ah oo laga helayo qaraxan ayaa waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ku dhintay Hal qof oo ahaa shaqsigii gaarigaasi wadayay, iyadoo Haweeney ay ku dhaawacantay.

Qaraxaan waxaa la sheegay in uu ku xirnaa gaarigaasi, waxaana qaraxa ka dib halkaasi gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya, oo baaritaano sameeyay.

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf oo warbaahinta halkaasi kula hadlay ayaa sheegay in Qaraxaan Al-shabaab, islamarkaana dadka Miinada gaariga loogu xiray ay yihiin shacab.

Qaraxyada sidaan oo kale ah waa kuwo kusoo batay magaalada Muqdisho, waxaana horay magaalada uga dhacay qaraxyo sidaan oo kale ah.

qarax1 qaraxa2

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com