Dhageyso:Qodobada Hagardaamada Ah Ee Heshiis Ku Sheega Dhexmaray Dowladda Soomaaliya Iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni…

0

Kismaayo, AGGM:Kadib wafti wasiiro ah oo shalay safar ku tagay magaalada Kismaayo ayaa heshiis is afgarad ah lasoo saxiixdey maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna heshiiska ka hadlayaa isku dhafka ciidamada iyo waliba in adeegyada dowladda la gaarsiiyo Jubbooyinka.

Hadaba halkan hoose ka akhri qodobadii lagu heshiiyey

Heshiis Is Afgarad ah oo Dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxaa booqasho qaadatay maalin ku yimid magaalada Kismaayo wafdi ka socday dowladda Federaalka ee Soomaliya kana koobnaa sidan:-

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llahi Goodax Barre
Wasiirka Gaashaandhigga Mohamed Sheikh
Wasiirka Maaliyadda Hussein Abdi Xalane
Madaxa Hogganka Taakuleyna ee Xoogga Dalka Generaal Abdullahi Ceynte

Waxaa dhanka Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni uga qeybgalay shirka koox Horjoogeyaal ah oo loo qorsheeyey in ay iyaguna ay matalaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Kuwaas oo kala ah:-

Horjooge Mohamed Warsame Farah, (Darwiish)
Horjooge Maxamed nuur Iftin
Horjooge Mohamed Macallin
Horjooge C/qani Cabdi Jaamac
Horjooge Cabdi Cali Raage
Horjooge C/naasir Seeraar Maax

Mabaadida Guud ee laga wada hadlay

Wadahal dhexmaray labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray qodobada soo socda:

Waxaa la isla meel dhigay in laga sameeyo gobollada hoos yimaada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Ciidan qaran, oo isu dheellitiran iskuna dhafan lagana soo qoro jubbooyinka oo ay hadda isugu soo urureen nabad diidka Al Shabaab.

In maleeshiyo beeleedka Raaskambooni helaan taageero deg deg ah oo dhanka agabka iyo taakuleynta ciidamada.

In Guddiyadii wadajirka ahaa ee farsamada iyo arrimaha aminga si deg deg ah uga howlgalaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni si ay u furdaamiyaan arrimaha kala sooca Ciidamada qaranka iyo diiwaangelintooda.

Waxaa lagu heshiiyey in tirada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalaya maleeshiyo beeleedka Raaskambooni la qoondeeyo iyo in xarumahii tababarada ee Jubbooyinka sida luglow iyo meelaha kale ee ay isticmaali jireen hoggaamadii 43aad iyo 60aad dib loo howlgeliyo si ciidamada loogu tababaro.

In dib loogu yeero wixii ka haray ciidankii qaranka ee Kenya lagu soo tababary wixii laga heli karo.

In Ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgelaya deegaanda ay maamulaan Maleeshiyo beeleedka Raskambooi si deg deg ah loola soo gaaro agabka ciidan maamlmaha soo scoda si howlgalkoodu u sii socdo.

In wixii ku saabsan arrimaha Booliiska iyagana laga taageero Ciidamada boliiska ee Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

In xafiiska arrimaha socdaalka si deg deg ah looga yagleelo magalada Kismaayo.

In hey’adihii taageerayey Booliiska maleeshiyo beeleedka Raaskambooni loo fasaxo dowladda dhexena ka taageerto wixii kaga xiran.

Halkaan hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com