DHAGEYSO:- Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo

0

Gudoomiyihii hore ee Baarlaanka Soomaaliya hadana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka degay Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud Airport.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ay ka dhacdo Doorashada Hogaamiyaha Maamulka saddexda Gobol, sida uu sheegay Malaaq Cali C/raxmaan Cali Shiino oo Ergada kamid ah.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kamid yahay musharaxiinta u taagan hogaanka maamulka saddexda Gobol, inkastoo markuu gaaro maanta Baydhabo uu kala cadeyn doono arintaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in musharaxiin badan ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo u taagan inay u tartamaan hogaanka maamulka saddexda Gobol.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar lagu hakinaayo shirka ka socda Magaalada Baydhabo, balse ergada ayaa arintaasi dhagaha ka fureesatay.