Dhageyso: Abwaan Sangub Iyo Abwaan Mustafa Sheekh Oo Ka Carooday Heestii Ay Qaadeen Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada…

0

Muqdisho, AGGM: Qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ayaa si kulul uga carooday Heesta Soomaaliyeey Toosoo oo si fowdo ah uqaadeen Shalay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) ayaa waxa uu sheegay in Aqoon daro u geysay in Xildhibaano qaran iyagoo ah ay Dagaal u adeegsadaan Heesta Calanka Soomaaliyeed ee (SOOMAALIYEEY TOOSOO).

Waxa uu Abwaan Sangub sheegayaa in Heestaan loogu talo galay in Nabad ahaan loo adeegsado waxaana Xildhibaanada uu ku tilmaamay kuwii heestaasi qaaday inay ku xad gudbeen jiritaanka Qaranimada Soomaaliyeed iyo Shacabka intuba.

Sidoo kale Abwaaan Mustafa Shiikh Cilmi oo kusugan Dalka Sweden ayaa waxa uu dhankiisa wax laga xumaado ku tilmaamay in Heesta Soomaaliyeey Toosoo Si khaldan Dad Xildhibaano ah ay u adeegsadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com