Xog Hoose:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo La Saftay R/Wasaare C/weli Sheekh

0

Xildhibaannada Soomaaliyeed ayaa badankooda waxay taageersan yihiin Mooshinka ka dhabka ah R/Wasaare C/weli Sheekh, waxaana inta badan Mudanayaasha Baarlamaanka ka caroodeen hadalkii ka soo yeeray wakiilka Q/Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ee ahaa in Xildhibaannada Soomaaliyeed yihiin dad aan damiir lahayn islamarkaana laaluush qaatayaal ah.

laakiin maanta waxaa la filayaa in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loo qeybiyo mooshinka ka dhanka xukuumada Soomaaliya ayna kasoo doodaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Dalalka reer Galbeeka ayaa doonaya in arrinta lagu xaliyo wada hadal oo aanan la hor keenin Golaha Shacabka waayoo haddii Mooshinka la hor geeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa hubaal ah in R/Wasaare C/weli Sheekh halkaas xilka ku weyn doono sida ay qabaan aqoon yahannada Soomaaliyeed ee falan-qeeya siyaasadda guracn ee Soomaaliya, taasoo aah I jiid aan ku jidee.

Wixii ka dambeeyay burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya inta badan waxa uu khilaaf ceynkan oo kale ah dhex mari jiray Dowladihii Soo maray dalka Soomaliya laga soo bilaabo Dowladdii uu Madaxda u ahaa C/qaasim Salaad Xasan.

Ugu dambeyn, arrinta waxay u muuqataa mid sii cakirmaysa maalina maalinat ka dambeysa, mana jirto rajo ay kuwada shaqeyn karaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare C/weli Sheekh Axmed