XG MUHIIM AH:- Xubnaha Dam Jadiid oo u sabab ahaa in xiriir uu dhex maro Ra’iisal Wasaaraha iyo Nicholas Kay

0

Waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay xoogeystay xiriirka xubnaha Dam Jadiid kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe ee Somaliya Amb. Nicholas Kay.

Xilli Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud si weyn loola xiriirin jiray Ururka Dam Jadiid, ayuu Madaxweynaha bilaabay in Siyaasiyiintii Dam Jadiid uu cilaaqaadka u jaro, si uu isaga fogeeyo in Urur Diimeed lagu xiriiriyo, inkastoo uu horey u beeniyay inaanu Dam Jadiid ahayn, isla-markaana aanu wax xiriir ah la lahayn wax Urur Diimeed ah.

Sida uu ku bilowday xiriirka Madaxweynaha iyo Dam Jadiid

Xiriirkooda, ayaa bilowday markii tartankii doorashada Madaxtinimada Somaliya uu ku soo baxay Xasan Sheekh Maxamuud (10, September, 2012), waxaana markaasi Hogaanka Dam Jadiid ahaa Maxamed Nuur Gacal, oo soo noqday Wasiiru Dowlihii Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Xukuumadii Saacid.

Madaxweynaha, ayaa Dam Jadiid u ogolaaday inay qaarkood Wasiiru ku yeeshaan Xukuumadii Saacid, halka tiro kalana ay ka hawlgalaan Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, isagoo ku texgelinaayay doorkoodii ay ku taageereen.

Xubnaha ugu muhiimsan Siyaasiyiinta Dam Jadiid

Jamaal Maxamed Barrow, oo soo noqday Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Xukuumadii Saacid

Maxamed Nuur Gacal, oo soo noqday Wasiiru Dowlihii Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Xukuumadii Saacid

Xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon, oo soo noqday La taliyihii Madaxweynaha ee dhanka siyaasada

Nuradiin Aadan Diiriye, oo soo noqday La taliyihii Madaxweynaha ee Barmaamijka New Deal, hadana La taliye u ah Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe ee Somaliya Amb. Nicholas Kay.

C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo soo noqday La taliyaha Madaxweynaha ee Urur Goboleedka Igad, hadana La taliye u ah Danjire Nicholas Kay.

Ducaale Aadan Maxamed (Gaarane), oo horey u soo noqday Agaasimihii hore ee Wasaarada Caafimaadka

Ridwaan Xersi Maxamed, Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliya

Xubnahaan oo qaabilaad ka helay Madaxweynaha Somaliya, ayaa kolkii dambe bilaabay inay ka soo horjeedsadaan, ka gadaal markii uu qaatay go’aanka ah inaan Dowladdiisa loo arag mid Urur Diimeed ku farqo xiran.

Dam Jadiid oo si fudud ula qabsatay Ra’iisal Wasaaraha iyo Nicholas Kay

Xubnaha Dam Jadiid ee saluugsan Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen, inay isu soo dhaweeyaan Ra’iisal Wasaaraha Somaliya iyo Amb. Nicholas Kay, iyagoo mideynaaya siyaasadooda ku aadan Madaxweynaha.

C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Nuuradiin Aadan Diiriye oo labaduba ka hawlgala Xafiiska Nicholas Kay ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ka dambeeyeen Warbixintii Nicholas Kay, uu ku sheegay inay codkoodu iibsadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Labadaan nin, ayaa si dhow u taageeray Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Somaliya, tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona horseeday in Nicholas Kay uu walaac ka muujiyo khilaafka Madaxda.

Dadka u dhuun duleela arrimaha Somaliya, ayaa kuu sheegaaya in Nicholas Kay aanu jeclayn inuu soo fara-geliyo khilaafka Madaxda Somaliya, laakiin ay ku dhiira-geliyeen inuu faraha la soo galo Nuuradiin iyo C/raxmaan C/shakuur.

Xubnaha gadoodsan ee Dam Jadiid, ayaa la hadalhayaa inay sii huriyeen khilaafka Madaxda Dowladda, horaantii bishaan, inkastoo khilaafkooda uu iminka u muuqdo mid marxalad gaba gabo ah ku dhow.

Baarlamaanka Somaliya oo soo fara-geliyay khilaafka Madaxda Dowladda, ayaa isha lagu hayaa in maalmaha ina soo aadan, ay soo gaba gabeeyaan.

Si kastaba ha-ahaatee Xukuumada cusub ee imaan doonto, ayay Madaxtooyadu ka feejignaan doontaa in lagu soo daro ragga ay ku fogtahay qadyadda Dam Jadiidnimada.