Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo dib u soo celineysa Kaalintii fanka Soomaaliyeed uu ku lahaa Afrika iyo Carabta.

0

Mogadishu,November 15,2014 – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo kaashaneysa Wasaaradda Warfaafinta ayaa markii ugu horeysay muddo 24 sano ah kadib Fanaaniin kala duwan oo heer qaran ah ay u diri doonaan dalka dibaddiisa , si ay u kororsadaan aqoon , una muujiyaan awoodda fanka iyo dhaqanka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa sare uga qaaday heerka ay taagneyd maqaamka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dowladda muddo sanad ka hor  , isagoo xoojiyay kaalinta dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay go’aanada ka soo baxa Ururada gobolka iyo kuwa caalamiga .

Wasiir Beileh waxa uu dadaal dheeraad ah ku bixiyay isbadal la taaban karo oo ka dhaqan-gala fulinta qorshayaasha kala duwan ee Wasaaradda , taasoo qeyb ka ah horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed , waxa ayna Wasaaraddu kala kaashatay arrinkan Wasaaradaha Warfaafinta iyo Tacliinta sare , si fanka Soomaaliyeed u noqdo mid ka dhex muuqda fanka wadamada kale .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa ku tala-jirta in dhowaantan kooxo fanaaniin oo ay u dhan yihiin qeybahooda kala duwan ay u dirto dalka dibadiisa si ay bandhig faneedyo iyo mahrajaanaad uga qeyb galaan wadamo ku kala yaala qaaradaha Afrika iyo Asia.

Tani ayaa  ah  bilow cusub oo calanka quruxuda badan iyo magaca Soomaaliyeed uu kaga dhex muuqan doono fanka Afrika iyo Carabta kadib qaran burburkii dalka ka dhacay .

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com