TOP Baarlamaanka oo maanta kulmaya iyo Mooshinka oo loo qeybinayo

0

Amaanka xarunta baarlamaanka iyo wadooyinka hormara ayaa aad loo adkeeyay waxaana la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan booliska iyo nabad sugida, si amaanka loo xaqiijiyo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta ka doodayaan mooshinkii dhawaan laga gudbiyay ra’iisul wasaraaha dalka Soomaaliya, oo xildhibaano badan ay u ololeynayaan in xilka laga tuuro.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay buuq ka kiciyaan xarunta golaha shacabka xili la doonayay in laga dodo mooshinkii laga gudbiyay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sababay inay kala qisaabsamaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayna kala taageeraan dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeya.