Niclas Kay oo bilaabay dhabar jabinta madaxda DF iyo kala geynta…. (CADDEYN)

0

Maalintii shalay ahayd waxa uu magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay u diray wafdi ka socda xafiiska uu isaga madax u yahay ee UNSOM, kuwaa oo la kulmay xubnaha ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal.

Wafdigaan UNSOM waxay jabiyeen amarka Madaxda ugu sareeysa dowladda ee dhawaan ku dhawaaqay in la joojiyo shirka ka socda magaalada Baydhaba si xal kale loo raadiyo.

Hase ahaatee waxa ay u sheegeen Odayaashii in deg deg ay ku doortaan madaxdweyne, islamarkaana ay daahiyeen, xilli madaxda qaranka ay amar ku bixiyeen in shirka la hakiyo.

Waxaa meesha ka cad in uu imaan doono is qab qabsi cusub kuna aadan dhanka maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, waxaana sidoo kale meeshaasi laga arki doonaa weji cusub oo dhanka madaxda ah.