Dowladda Jarmalka oo Baaq u dirtay Madaxda Somalia Ee Khilaafku u dhaxeeyo

0

War saxaafadeedkan ayaa waxa uu safiirka ugu horeyntii ka hadlay sida ay u aragto xukuumadiisa khilaafka ka dhex jira mas’uuliyiinta Soomaaliyeed.

“Germany waxa ay aad uga walwalsan tahay is mari waaga siyaasadeed ee ka jira Muqdisho. Taasoo carqaladayn karta dib u heshiisiinta iyo dadaalada horumarka leh ee socda iyo weliba iyadoo hoos u dhac ku keeni karta dagaaladii loogaga soo horjeeday ururka Alshabaab.

Qoraalkan ayaa sidoo kale waxa uu safiiirka xukuumada Jarmalka ugu baaqay hogaamiyaasha siyaasada dalka Soomaaliya in isbedel la yimaadaan si lixda bilood ee soo socota loo gaaro higsiga 2015.

Safiirka Jarmalka Andreas Peschke ayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray ku amaanay guusha ay bilihii la soo dhaafay dowladu gaartay isagoo ku tilmaamay in arrintaas lagu gaaray iskaashi iyo is aaminid dhab ah. Waxana uu safiirku ugu baaqay hogaamiyaha siyaasada in ay xaqiijiyaan sidii ay ku waari lahaayeen guulaha la gaaray.

Ugu dambayntii war saxaafadeedkan ayaa dowlada Jarmalka waxa ay ugu baaqday dhinacyada dalka Soomaaliya ee siyaasada isku haya in ay la yimaadaan iskaashi taasoo ah mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Dowlado badan oo xiriir wanaagsan la leh dowlada Soomaaliyeed ayaa hore u soo saaray baaqyo kan la mid ah hase yeeshee ma muuqato wax isbedel ah oo ay dhinacyada siyaasada isku haya laga dareemayo. Maalmo kooban ayaa haatan waxa ka harsan shirkii kaalmada loogu fidin lahaa dowlada Soomaaliya kaasoo ka dhici doona toddobaadka soo socda magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.