DHAGEYSO TOOS:- Kulanka baarlamaanka ee maanta oo mar kale mooshinka laga doodayo

0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Kulan ku yeelanaya Xarunta ay ku shiraan ee Magaalada Muqdisho,waxaana maanta loo qeybinayaa Xildhibanada Mooshin Xildhibanada qaar ay ka soo gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cabdi Wali Sheikh Axmed Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in  Baarlamaanka lagu wargaliyay maanta in loo qeybin doono Mooshin ah kalsooni kala Noqoshada Xukumadda C/wali Sheilkh Axmed  oo qaar kamid ah Xildhibaanada ay soo gudbiyeen.

Talaadadii la soo dhaafay ayaa Kulankii Baarlamaanka waxaa hareeyay Buuq iyo Sawacan kadib markii Kulanka Baarlamaanka la doonayay in Xildhibanada loo qeybiyo Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha,iyadoona Shirkii Baarlamaanka uu ku soo xirmay Natiijo la’aan.

Kulanka maanta ayaan la ogeyn sida uu ku qabsoomi doono,iyadoo la xasuusto Buuqii 11-kii Bishaan Xarunta Baarlamaanka ka dhacay,waxaana sidoo kale la Adkeeyay Amaanka Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka,iyadoona Ciidamadabadan la soo dhoobay Xarunta Baarlamanka.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka