Dalka Equatorial Guinea oo aqbalay arin uu iska diiday dalka Morocco

0

Xiriirka kubbada cagta Africa ayaa ku dhawaaqay in dalka Equatorial Guinea uu aqbalay marta gelinta ciyaaraha qaramada Africa sanadka 2015, kadib markii uu iska diiday dalka Morocco.

Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo ayaa ku dhawaaqay inuu ogolaaday marti galinta koobka qaramada afrika,ka dib markii ay wada kulmeen gudoomiyaha xiriirka CAF iyo madaxweynaha Equatorial Guinea.

Xiriirka kubbada cagta Africa ayaa shaaciyay in waxba aysan iska badali waqtiga loogu talo galay in ciyaaraha ay dhacaan ayna kusoo dhamaaday dalkaasi, waxaana la sheegay inay bilaaban doonaan 17. Bisha Janaayo kuna eg yihiin 8 Febraayo.

Dalka Morocco ayaa diiday marti galinta koobka qaramada afrika,isagoo ka cabsaday in ciyaartoyda iyo taageerayasha u soo daawashada tagaya koobka ay dalka keenaan cuduka Ebola oo faro ba’an ku hayo wadamada galbeedka afrika.

Sanadkii 2012 kii labada dowladood ee Gabon iyo Equatorial Guinea ayaa marti geliyay ciyaaraha qaramada Africa Africa oo ahaa kuwo aad xiiso badan.

Magaalooyinka Malabo, Bata, Mongomo iyo Ebebiyin ayaa loo doortay inay noqon doonaan magaalooyinka sanadkaan lagu ciyaari doono koobka ciyaaraha qaramada Africa qaarada Africa ee 2015.

Isku aadka ciyaaraha koobkaasi ayaa ka dhici doono magaalada Malabo ee caasimada dalka sanadkaan marti gelinaya ciyaaraha waxaana la qaban doonaan 3-da bisha soo socota ee December.

Dalka Morocco ayaa laga saaray xiriirka CAF,ka dib markii uu diiday marti galinta koobka qaramada afrika ee sanadka 2015-ka.

Dalka Morocco ayaa codsaday in la joojiyo koobka qaramada afrika,laakiin waxaa taasi ku gacan seyray xiriirka CAF.