Xog:Halkee Ayuu Marayaa Khilaafka Madaxweynaha Iyo R/wasaaraha?

0

Muqdisho, AGGM: Khilaafka udhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa weli ah mid aan salfadhin.

R/wasaaraha Dalka Cabdiweli Shiikh ayaa waxa uu sheegay in isaga uu doonayo Khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha la dhameeyo.

Cabdiweli Shiikh ayaa hadda umuuqda mid kasoo dabcay booskiisii hore isagoo sheegaya in Nidaamka Dastuurka iyo ilaalinta Sharciga ay tahay mid muqadas ah oo laga gudbi karin.

Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha dalka ayaa waxay ka gudbiyeen Mooshin R/wasaaraha kaasi oo hadda Horyaalla Baarlamaanka Somaliya inkastoo weli laga doodin.

Waxaa kale oo iyana jira xildhibaano taageersan R/W Cabdiweli Shiikh iyagoo sheegay in Mooshinka ka dhan ah R/wasaaraha uu yahay mid aan sax aheyn.

Isku soo wada duuboo waxan la saadaalin karin halka uu saldhigan doono khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha….

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media…

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com