Dhageyso:Golaha Nabadda Iyo Midnimada Jubba “Khilaafka Madaxda Waxuu Caqabad Ku Yahay Wada Hadaladi Kismaayo” …

0

Muqdisho, AGGM: Golaha nabadda iyo midnimada Jubba ayaa sheegay in dib u heshiisiin rasmi ah oo ka dhacda magaalada Kismaayo uu ku hor gudban yahay khilaafka madaxda dalka.

Afhayeenka golaha nabadda iyo midnimada Jubbooyinka Salaad Cilmi Axmed ayaa sheegay in magaalada Kismaayo shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay aysan ka qeyb galin.

Wuxa uu tilmaamay Salaad Cilmi in madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha inta mad madow siyaasadeed oo iyaga ka dhex jira aysan suurta galayn in ay qeyb ka ahaadaan shirkaasi.

Shirkii ka dhacay Kismaayo waxaa furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana garabka uu hoggaaminayo Korneel Barre Hiiraale ay sheegeen inay qaadaceen shirkaasi.

Lama oga waxa hadalka afhayeenkaan kasoo yeeray kusoo beegay xilligaan, maadaama shirkii ay horay u diideen iyadoo aan wax khilaaf ah ka dhaxeyn madaxda dalka.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com