Dhageyso: Maleeshiyada Axmed Madoobe “Nin Aan Darawal Ahayn Ayaa Waday Gaariga”…

0

Kismaayo, AGGM: Shilkii gaari ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee sababay in gaari uu la rogmado Maleeshiyaad ka tirsanaa kuwa Horjooge Axmed Madoobe oo warar dheeraad ah kasoo baxayaan..

Horjooge Maxamuud Khaalib oo kamid ah ah Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa sheegay in Maleeshiyadki dhaawaca soo gaaray in xaaladooda qaar ka mid ah ay aad u liidato dhaawacyada ay qabaan awgood.

Maxamuud Khaalib “Gaariga waxaa waday nin aan darwal ahayn, taas ayaana sabab u ah shilka”.

Khaalib waxa uu sheegayaa inay 13 Askari ku dhaawacmeen shilkaasi 5 ka mid ah askartaasi dhaawacooda ayuu ku sheegay mid aad uliito.

Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa waxay sheegeen in hadda la raadinayo darawalkii gaariga waday marka maleeshiyada gaariga ay saarnaayeen  uu shilka galayey.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media…

 


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com