Dhageyso: Laba Ruux Oo Lagu Dilay Magaalada Cabudwaaq …

0

Caabudwaaq, AGGM: Wararka ka imaanaya degmada Caabduwaaq ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu dilay degmada Caabudwaaq ee gobalka Gal-gaduud, taa oo keentay in xaaladda degmada ay isbedashay.

Nimankaan oo la sheegay in ay ahaayeen Khaad wadeyaal ayaa la tilmaamay in loo dilay aano qabiil oo u dhaxeeysa Laba beel oo wada dega halkaasi.

Dilka ka dib ayaa la sheegay in halkaasi ay weerar kusoo qaadeen Maleeshiyaad hubaysan, waxaana halkaasi ka bilawday rasaas xoogan oo sababtay dhaawaca dad shacab ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa deg deg isugu soo baxay Caabudwaaq, waxaana ay bilaabeen in ay maleeshiyaadkaasi kala qaadaan, iyadoo sidoo kale la kala dhex dhigay maleeshiyaadkii dagaalamay kontarool amniga lagu xaqiijiyo.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com