Daawo:Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya Waa Ay Kasoo Gudubtay Xiligii Kaligitalisnimada” Ma Moodaa In Madaxweynaha Aysan Dhagihiisa Iyo Afkiisa Ismaqlin?

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu caawa khudbadiisa ku sheegay in Soomaaliya ay kasoo gudbay xiligii Kalitalisnimada, Ma Moodaa in Madaxweyne Xasan Aysan Dhagihiisa Iyo Afkiisa Ismaqlin.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu inta uu hayay talada dalka uu marayaa R/wasaarihi labaad ee uu la diriro,islamarkaana uu yiraahdo islama shaqeen karno waa in R/wasaaraha Baneeyaa Xafiiska, haddaba maxaa lagu macneen karaa habdhaqankaas uu ku dhaqmo Madaxweyne Xasan?

Jawaabtu waa sahal, Madaxweyne Xasan Sheekh waa KALIGIITALIYE aan waqtigiisu dhaafayn 4 sano, dalka Soomaaliyana u horseedaya go’adoon siyaasadeed iyo mid Horumarineed.

Isku soo wada duuboo Waxaa ayaan daro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sii ahaado hogaanka dalka Soomaaliya, maadaama uu waxa uu sheegayo ficilkeedi uu isagu ku dhaqmayo taa oo ah KALIGIITALIYE islamarkaana uusanba iska warqabin…

Fariinteenu Waa Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh, Waxaad Shalay Diiday, Maanta Cidi Kaa Yeeli Mayso, hanna moodin inay bulshada Soomaaliya wada dhago iyo indho la’ayihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com