Wasir Beyle” Sacuudig wan kala hadalnay xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed

0

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo malmahanb kusugnaa dalka Sacuudiga aya sheegay in madxda dalkaasi ay kala hadleen wax kaqabashada xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee sida sharci darada ah ku jooga dalkaasi.

Wasiirka aya tilmaamay in madaxda Sacuudiga ay u muujiyeen in ay diyaar u yihiin sidii looga shaqeyn lahaa wax ka qabashada xaalada Qaxootiga Soomaalida h ee dalkaasi jooga oo wali aan hel;in wax sharci ah.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in wafdi kasocda Sacuudiga ay iman doonaa Muqdisho si madaxda dowlada Soomaaliya ay iskula gartaan qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo xaalada Qaxootiga.