War Deg Deg Ah: Ciidamada Kenya Oo Isaga Soo Baxay Deegaanka Buulo Gaduud…

0

Kismaayo, AGGM:Wrarka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ay isaga soo baxeen deegaanka Buula Gaduud…

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Cidamada Kenya oo ay weheliyaan maleeshiyo tiro yar oo ka tirsan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay isaga soo baxeen deegaanka Buula Gaduud islamarkaana fariisin cusub ka sameeystay deegaanka Yoontooy ee gobolka Jubbada Hoose…

Waxaa gabi ahaan isaga soo baxay ciidamadi Kenya deeganka Buula Gaduud, waxayna fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Yoontooy lamana garanayo sababta keentay in ciidamada Kenya ay dib ugu soo laabtaan dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbda Hoose…

Isku soo wada duuboo dadka indha indheeya xaalada siyaasada iyo dhaq dhaqaaqyada ciidamada ee Soomaaliya aya horey waxa ay u sheegeen in Ciidamada Kenya wax guul ah aysan ka soo hoyin doonin deegaanada Jubbooyinka oo intooda badan gacanta ay ku hayaan maleeshiyadka falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

Waxii Kasoo Kridha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media… 

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com