Top News:Dowladda Kenya Oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigeen 10 Al-Shabaab Ah.

0

Nairobi, AGGM:Booliska Kenya ayaa sheegay in uu xiray 10 qof oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ka soo tallaabay xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Afhayeen u hadashay booliska Kenya oo lagu magacaabo Gatiria Mboroki ayaa sheegtay in dadka la soo qabtay ay ku jiraan labo dumar ah, kuwaas oo ku hubaysnaa walxo la isku miidaamiyo iyo bambooyin.

Afhayeenku ma aysan sheegin waddamada ay u dhasheen dadkaas ay qabteen, balse waxay tilmaantay in dadka la qabtay la rumaysan yahay in ay weerarro hore ka gaysteen gudaha Kenya ka hor intii aysan u baxsan Soomaaliya, haatanna ay doonayeen in ay mar kale gudaha u galaan Kenya.

Qaar ka tirsan gobollada dalka Kenya waxaa bilihii la soo dhaafay ka dhacayay weerarro galaaftay nolosha dad badan, kuwaas oo ay Kenya ku eedeysay in ay ka dambeysay Al-Shabaab.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar bishii September ee sanadkii hore ka dhacay suuq laga dukaamaysan jiray oo ku yaalla bartamaha magaalada Nairobi, halkaas oo lagu dilay 67 qof, sida ay sheegtay Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com