Top News: Sodomeeyo Ruux Oo Lagu Xiray Degmada Cadaado Ee Gobolka Galguduud…

0

Cadaado, AGGM:Soddon qof oo lagu eedeeyay falal amni-darro ah ayaa lagu soo qabtay howgal ciidanka maamulka Ximan iyo Xeeb ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulkaas.

Howgalka oo socday muddo toddobaad ah ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Guddoomiyaha degmada Cadaado, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Xuseen ayaa sheegay in eedeysaneyaasha la horgeyn doono sharciga.
Wuxuu tilmaamay in xaaladda ammaan ee magaalada ay hadda wanaagsan tahay, isagoo u jeediyay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidanka, si looga hortago kuwa kasoo horjeeda nabadda.

Isku soo wada duuboo Horraantii bishan ayaa bandow socday toddobaad lagu soo rogay degmada Cadaado, kaddib markii taliyaha ciidanka booliska ee degmada Maxamuud Xaaji Maxamed uu sheegay inay jiraan burcad saacadaha habeenka dhac u geysta xarumaha ganacsi ee degmada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com