Top News: Ruushka Oo Sheegtay Inay Dileen Samantha Lewthwaite

0

Sida laga soo xigtay wakaaalda Regnum ee dalka Ruushka oo soo xiganeesa saraakiil sirdoonka reer galbeedka katirsan ayaa qortay in bariga wadankaasi Ukraine lagu dilay haweeneydii hogaamineesay weerarkii Al-shabab ay kuqaadeen wadanka Kenya.

Samantha oo 30 sano jir ah ayaa lasheegay in ay dhawaan ku biirtay dagaalka udhaxeeya dowlada Ukriane iyo mucaaradka Ruushka garabka kahelaya,si ay halkaasi uga soo qorto dhlainyaro kusoo biirta ISIS oo Iraq iyo Syria kadagaaanta,iyo in ay halkaasi taageero maaliyadeed uga soo aruuriso kooxda Dacish.

“Samantha Lewthwaite oo ay ahayd haweeneeda loogu doon doonis badan yahay caalamka ayaa kugeeriyootay dagaalka Ukraine ,waxaana toogtay “Toogte madaxbanaan” oo ruushka kasoo jeeda” ayaa lagu daabacay wakaalada Regnam ee dalka Ruushka.

Dowlada Ukraine ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in ninkii dilay haweeneedan horay Al-shabab ugaga tirsanaan jirtay ladul dhigay madaxiisa lacag dhan $ 1 Million oo udhiganta £630,000,wallow sababta dowlada Ukraine aysan macneenin.

Lewthwaite ayaa guursatay Germaine Lindsay oo ahaa ismiidaamiyay ,waxaana wadanka Britain ay kasoo carartay sanadkii 2011 markaa oo ay Kenya soo aaday kahor inta aysan kubiirin Al-shabab.

Aabaha dhalay haweenedan oo ay lagu magacaabo Andrew Lewthwaite horayna usoo ahaa askari katirsan ciidamada dowlada Britain ayaa sheegay in uusan waxba kamaqlin dilka gabadhiisa .

Lewthwaite oo loo yaqaano carmalkii cadeed ayaa horay uga tirsaneed Al-Shabab iyadoo markii dambe warbaahinta ingiriisku ay qoreen in ay kubiirtay kooxda ISIS ee Iraq iyo syria.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com