Top News: Prof. Cali Maxamed Geedi “Hala Soo Qabto Kuwii Dilay Marxuum Maxamuud Cabdi Caddoow (Dhabareey)”.

0

Muqdisho, AGGM:Raysul wasaarihii hore ee dowladdi KMG Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku taliyay in gacan bir ah lagu soo qabto kooxaha dilalka ka geysta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Hadalka ayuu Prof. Geeddi ka jeediyay aaskii Alle ha u naxariisto taliye ku-xigeenkii waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, marxuum Maxamuud Cabdi Caddoow (Dhabareey).

Cali Maxamed Geeddi ayaa wax aan xal aheyn ku tilmaamay in mar walba ay dowladda federaalka ah tiraahdo kooxaha dilka geystay waan ku raad-joognaa, balse looga baahan yahay in ay ficil la timaado.

Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isna ku taliyay in gacanta lagu soo dhigo kooxaha dhibka u geysta dadka waxgalka u ah bulshada, sharcigana la marsiiyo.

Maxamuud Cabdi Caddoow (Dhabareey) ayaa Talaadadii rag hubeysan waxay ku dileen agagaaraha isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com