Howlgal xalay laga sameeyey Muqdisho

0

Howlgaladan oo ay wadeen ciidamada booliska dowlada Soomaaliya ayaa xalay waxaa laga sameeyey wada xiriirisa Taalada Sayidka iyo isgoyska Xaawo Taago ee degmadaX/weyne waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsanayey gaadiidka gaarka ah ee wadadaasi isticmaala.

Ciidamada ayaa fatashayey gaadiidka waxaana inta uu socday howlgalka mudo xayirnaa wadadaasi oo si weyn loo adeegsado marka loo eego isticmaalka dadka iyo gaadiidka.

Waxaa howlgalk qeyb ka ahaa saraakiil kamid ah ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada X/weyne ee gobolka Banaadir inkastoo aaney jirin aah faahin laga bixiyey howlgalkaasi iyo waxa lagu qab qabtay.