Golaha amaanka oo beesha caalamka ugu baaqay in la qaado talaabo ka dhan ah falalka Burcadeeda.

0

Golaha amaanka Ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay dhamaan Ficilada ay biyaha Somalia ka wadaan kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida,iyagoona mar kale beesha caalamka ugu baaqay in la xoojiyo dadaalka lagula jiro waxay ugu yeereen Burcad badeeda.

Golaha amaanka ayaa shaaca ka qaaday inay Qatar dhanka amaanka ah ay ku tahay sii socoshada falalka Burcad badeeda dalalka Bariga Africa.

Golaha amaanka ayaa si gaar ah ugu baaqay xubnaha Golaha amaanka in la sii laba jibaaro dagaalka ka dhanka Burcad badeeda,islamarkaana wax badan lagu qabto weerarada iyo dhaca hubeysan ay geysanayaan,sida lagu sheegay warbixin Golaha amaanka ka soo baxday.

Waxayna balan qaadeen Golaha amaanka in hub Malitari ay ugu yaboohi doonaan dalalka gobolka ku yaalo si looga taqaluso Qatarta Biyaha Soomaaliya iyo kwa ku dhow dhow ku hayaan Kooxahan.

Inkastoo sidii hore aysan ahayn weerarada Burcad badeeda ayaa hadana Beesha caalamka wali waxay Qatar ka muujineysa maritaanka Biyaha Soomaalia.

Kooxaha Burcad badeeda ayaa hada gacanta ugu jiray Laheystayaal iyo gaadiidkii ay la socdeen,kuwaasi oo ay ka sugayaan in laga siiyo Lacag madax furasho ah.

Dhawaam ayaa gacantooda waxaa laga sii daayay La heystayaal u dhashay dalka India,kuwaasi oo mudo sanado ah gacantooda ku jiray.