Sawirro:Horyaalka Horumarka: Aqalka Cad ee Mareykanka oo abaal marin aqoonsi ah guddoon siiyey Gabadh Soomaaliyeed.

0

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa abaalmarin aqoonsi oo lagu magacaabay Horyaalka Horumarka (Champions of Change) gudoonsiiyey Khadra Maxamad oo deggan magaalada Columbus ee  gobalka Ohio.

Khadra waxay ka mid ahayd sagaal qof oo ka kala yimid bulshaweynta Maraykanka oo lagu marti qaaday Aqalka Cad si loo siiyo abaalmarintaas oo ka mid ah barnaamij uu abuuray Madaxweynaha Maraykanka Mudane Barack Obama. Barnaamijkaan ayaa waxaa sanadkaan loogu talo galay in lagu aqoonsado isla markaana lagu dhiirigaliyo shakhsiyaad wax qabad weyn ka muujiyey sidii  xubnaha jaaliyadaha asalkoodu waddamada shisheeye ka soo jeedo ama loo yaqaano soogalootiga ay u noqon lahaayeen muwaadaniin mareykan ah.

Hawshaas ayaa la isku raacsan yahay in ay saameyn toos ah ku leedahay , wax weyna ku soo kordhisay dhaqaalaha iyo dhaqanka Ameerika, ka sakow inay siiso jaaliyadahaan fursad ay ku hormariyaan noloshooda iyo kuwa qoysaskoodaba.

Khadra Maxamed oo ah aqoon yahanad Soomaaliyeed kuna qaatay shaahadada loo yaqaan Masters Degree cilmiga adeega bulshada( Social Work), waxay ka qalin jebisay jaamacada weyn ee  Ohio State University. Khadra oo ah hogaamiyaha xurunta horumarinta haweenka Soomaaliyeed (Center For Somali Women’s Advancement) ee saldhigeedu yahay magaalada Columbus ee gobolka Ohio, ayaa isla mar ahaantaana, ah haweeneyda madaxa ka ah Federation of African Organizations of Ohio (FAOO) oo ah dallad ay ku midaysan yihiin ururada Africaanka ah ee dhisan gobalka Ohio.

Khadra Maxamad ayaa aqoonsigaas ku mutaysatay dadaalkii badnaa oo ay sanado badan ugu jirtay sidii ay dad badan oo soomaaliyeed ee ku dhaqan bartamaha Ohio ula qabsan lahaayeen nolosha waddankaan, isla markaana ugu guuleystaan inay hantaan muwaadinimada dalka.

Haddaba arrinkaan ayaa ah mid ku dayasho iyo dhiiri galin ka mudan aqoon yahannada jaaliyadaha soomaaliyeed inay waqtigooda iyo xirfadahooda uga faa’iideeyaan walaalahood, si ay ula jaan qaadaan nolosha waddamada ay soo dageen.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed unnamed

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgadud@gmail.com