Dowlada Britain oo War Cad kasoo saartay Khilaafka u dhaxeeya MD Xasan iyo R/wasaare Cabdiweli

0

Dowlada Britain ayaa war kasoo saartay Khilaafka sii xoogeestay ee u Dhaxeeya Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’izul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.

War qoraal ah oo kasoo baxay Dowlada Britain ayaa lagu sheegay inay si qota dheer uga walaacsan tahay deganansho la’aanta siyaasadeed ee mijaxaabineysa hormarada dhowaanahan laga sameeyay dalka Soomaaliya, sidoo kalena hakad gelineysa isbedel laga sameeyo dhanka siyaasadda, amniga iyo dariiqa hormarka.

“Waqti lagu gaari lahaa ujeedooyiinka iyo hiigsiga istiraatiijiyadda 2016-ka, oo ay ka mid tahay in la qabto doorashooyiin. Sidaa darted waxaa dhinacyada Soomaaliya oo dhan ku boorineynaa inay xalliyaan khilaafka iyagoo u maraya hannaan siyaasadeed, sida in la xushmeyo hubka baarlamaanka, lagana wada shaqeeyo danaha Soomaaliya”. Ayuu lagu yiri Warka Qoraalka ee kasoo baxay Dowlada Britain.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale tilmaamtay in xilli loo baahnaa in horey loo socdo uu ku soo aaday khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Soomaaliya.

Waxaana qoraalka lagu yiri, “Waqtiga qalalaasahan uu ku soo beegmay waa mid laga xumaado, waxay ahayd in diiradda la saaro hannaanka siyaasadeed ee 2016-ka, iyadoo isbuuc ay ka dhimantahay shirka loogu ballansan yahay Copenhagen, halkaas oo Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha caalamka ay dib isula eegi doonaan hormarka laga gaaray is-afgaradka Somalia New Deal ee bishii September ee snadkii hore la isku raacay”.

Dowlada Britain ayaa sheegtay inay ka go’an tahay, caawinta iyo dhisidda Soomaaliya madaxbannaan, nabad ah, dimuquraadi ah, oo federal mideysan ah.