Dhageyso: Ciidamo Ka Goostay Dowladda Oo Isu Dhiibay Falaagada Al Shabaab.

0

Muqdisho, AGGM:Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa waxay sheegeen in maalmahan dambe ay kusoo badanayaan ciidanka dawlada Kasoo goosanaya ee dhinacooda kusoo biiraya sida ay hadalka u dhigeen.

Ilaa Seddex Askari ayaa waxay Al Shabaab sheegeen in saacadihii lasoo dhaafay isku dhiibeen Hiiraan & Gedo meelaha ay iyaga ka arimiyaan.

Mid kamid ah ciidanka falaagada Al Shabaab ay sheegeen inuu dawlada kasoo goostay ayaa waxa uu ka warbixiyey waxyaabaha keenay inuu isa soo dhiibo isagoo sheegaya in xaalad adag uu ku jiray intii uu dawlada la shaqeynayey.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Talisyada Ciidanka dawlada ee Gobollada Hiiraan & Gedo ay uga warbixinayaan Askarta sheegay inay ka goosteen dawlada Somaliya.

Halkan hoose ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgadud@gmail.com