Xog: Waxbadan Ka Ogoow Xildhibaanada Diidan Mooshinka Waa Sadex Garab Oo Kala Ujeedo Ah, Maxuuse Yahay Garab Walba Ujeedkiisa?

0

Xiriir aan la sameenay Ilo wareedyo ka gabsaday magacooda xaalad amaan awgeed oo u dhuun daloola xaaladaha xafiisyada Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh ayaa mar aan wax ka weeydiinay Xildhibaanada diidan mooshinka, ilo wareedyadan ayaa waxa ay ku jawaabeen sidan soo socota.

Ilo wareedyadeena ayaa waxa ay Warbaahinta Allgalgaduud Media u sheegeen , “Walaaloow markaan runta kuu sheego R/wasaare Cabdiwali Sheekh Xildhibaano ma dirsan, xiriir lama lahan, dhaqaalena ma uusan siin saa maba uu haystee, iyagaa iskood isu xilqaamay, sidaad ulla yaaban tihiin ayaan qudheenana ula yaabanahay Xildhibaanadan kasoo horjeeda Mooshinka”.

“Waxaan kuu sheegayaa Walaaloow Xildhibaanada diidan Mooshinka waa sadex garab oo mid walbaa ujeedo gaar ah leh,

1-Kuwo waxa ay doonayaa inay Xilka dalka Ugu Sareeya ay Qabtaan oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh meesha ka baxo.

2- Kuwo waxay neceen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xisbigiisa Damujadiid.

3-Kuwana waxay aad u dhibsadeen Kaligii talisnimada Madaxweyne Xasan uu mar walba uu ku oranayo R/wasaaraha waa inuu iscasil ama waxaan ku casilayaa Baarlamaanka, sadexdaas ayay horta isugu jiraa Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka, ma ay taageersana R/wasaare Cabdiwali mana kala jecla isaga iyo Madaxweynaha garab walbaa danahooda gaarka ah ayay ka dhex arkaan diidmada Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh.

Waxaan kaloon kuu sheegayaa Xukuumada waa ay dhacaysaa, R/wasaare Cabdiwalina waa uu baneenayaa Xafiiska, sababtoo ah Xildhibaanada diidan Mooshinka dhagtooda iyo dhuuntooda waxay jeceshahay ayaa loo sheegayaa,Mooshinkana waa la horkeenayaa Baarlamaanka maalmaha soo socda isagoo ka quwad badan kii maanta oo Xildhibaanada Hadda diidan Mooshinka ayaa ku biiraya kuwa wada Mooshinka.

Dhinaca kale waxaan kuu sheegayaa in 30-ka Xildhibaan maanta Foowdada sameeyay loo gudbin doono gudiga Anshaxa Baarlamaanka, marka dambe ee lasoo fadhiisto Baarlamaankana Xildhibaan walbaa si asluubeysan ayuu codkiisa iyo fikirkiisa u dhiibanayaa”.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeyn halka uu sal dhigan dooo khilaafka Madaxda sare ee dalka haddana saameeyay Xildhibaanadi golaha Shacabka.
Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com