XOG: Wasiiro Xildhibaano Iyo Qaar Ka Mid ah Lataliyaashii Taagersanaa R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Iska Xaadiriyay Xafiiska Madaxweynaha….

0

Muqdisho,AGGM: R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa hada u muuqda mid ay sii yaraaneyso rajada ku aadan in uu sii Joogo Xafiiska , waxaana socda dagaal dhinacyo badan ah oo la doonayo in R/Wasaaraha meesha looga saaro.

Xildhibaano tiro badan oo Taageersan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mooshin ka gudbiyay R/Wasaaraha Soomaaliya , waxaa sidoo kale dhinaca R/Wasaare kasoo tagay oo Siyaasada Madaxweynaha taageeray Xildhibaano iyo Wasiiro horey ula safnaa R/Wasaaraha.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Qaar kamid ah Golaha Wasiirada oo Siyaasad ahaan la safnaa R/Wasaaraha xalay iyo maanta in  lagu arkay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya , Wasiiradan ayaana intooda badan wax ka badalay Siyaasada ay ku taageerayeen R/Wasaaraha.

Waxaa Sidoo kale Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya xalay lagu arkay Qaar kamid ah Lataliyaashii sida aadka ah ugu dhawaa R/Wasaaraha Soomaaliya, kuwaa oon si rasmi ah loo ogeyn ujeedkooda iyo waxa ay ka qabanayeen Xafiiska Madaxweynaha.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in ay yartahay Rajada uu Cabdi Wali Sheekh Axmed uu kusii joogi karo Xafiiska, waxa ayna tilmaameen hadii aysan gacan kale soo fara galin arimaha hada socda uu meesha ka bixi doono R/Wasaaraha Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa isku haleenayay taageerana ka heestay Xubnaha beesha Caalamka kuwaa oo hada u muuqda in ay ku guuldareesteen in xal laga gaaro Khilaafka iyo in la hakiyo Mooshinka ay Xildhibaanada Baarlamaanka meesha uga saarayaan R/Wasaaraha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com