Xog:-Muxuu salka kuhayey buuqii maanta xildhibaanada baarlamaanka

0

Iyadoo maanta xrunta golaha shacabka oo ay kuln kulhayeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya uu isku badalay goob buuq iyo fowdo ay ka kiciyeen xildhobaano kamid ah baarlamank oo u muuqday in ay kasoo horjeedaan mooshinka laga gudbiyey Raiisul wasaare C/wali Sheakh Axmed ayaa waxaa dad badani isweydiiyeen sababaha rasmiga ah ee uu salka ku hayo buuqa xarunta golaha shacabka.

Hadaba Allgalgaduud.com ayaa ilo lagu kalsoonyahay waxa ay u sheegeen in xildhibaanada maanta sababay buuqa xarunta golaha shacabka ay u qeybsanaayeen sadex dhinac oo kaliya aaney ahen kuwa kasoo horjeeda mooshinka.

Ilaha lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in qeyb kmid ah xildhibaanada ay yihiin kuwa kasoo horjeeda in waqti kororsi uu sameysto madaxweyne Xasan oo sida la sheegay ku howlan qorshooyin la xiriira waqti kororsi uu sameysto sidaasi dardeedna xildhibaanadan ay diidan yihiin qorshahaasi la sheegay in madaxweynuhu uu damacsanyahay.

Sidoo kale xubnaha baarlamanka maanta buuqa kiciyey qaarkood ayaa la tilmaamay in kasoo horjeedaan ururka Damjadiid ee madaxweynuhu uu ktirsan yahay islamarkaana la wareegay inta bdan awooda dowlada, waxaana xildhibaandaasi ay kasoo horjeedaan Xubnaha Damjdiid ee dowlada kujira sida ilahaasi lagu kalsoonyahay Allgalgaduud ay u sheegeen.

Garabka sadexaad ee xildhibaanada baarlamanka ee maanta xarunta golaha shacabk ku sugnaa ayaa la xaqiijiyey in ay kasoo horjeedaan mooshinka la sheegay in laga gudbiyey xukuumada Raiisul wasaare C/wali iyagoo aaminsan in mooshinkaasi uu yahay mid sharci daro ah.