Somali ku dhamaatay duqeyntii SYRIA!

0

Muwaadininiin Somali-Swedish oo lagu dilay duqeyn ay Diyaaradaha Isbahaysiga ka geysteen Saldhigyadda Kooxda Daacish (IS) ku leeyihiin gudaha dalka Syria.

Saddex Dhallinyarro Somali haysta dhalashadda dalka Swden ayaa shalay lagu dilay duqeyn ka dhacday Degmadda Kobaane ama Caynu Cara bee dalka Syria, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka ee Isbahaysiga Maraykanka duqeyn la beegsadeen.

Wargeyska The Expreesen ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa maanta qoray in labo ka mid ah Saddexdaa Dhallinyarradda oo da’da 20-aadka ku jirtay lagu dilay duqeyn ka dhacday Konbaani.

Wargeyska waxa uu qoray in mid ka mid ah labadaasi uu ku geeriyooday duqeynta, halka midka labaadna la dilay, xilli uu ilaalo ka hayey Xero ay Kooxda IS ku leeyihiin Aagga Hore ee Dagaalka ee Degmadda Kobaani.

Wargeyska waxa kaloo uu tilmaamay in Somali-Swedish kale uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray duqeyn horey uga dhacday Degmadda Kobaani.

Wargeyska The Expressen waxa uu qoray in Waalidiinta Saddexda Dhallinyarradda ee lagu dilay Degmadda Kobaani ee dalka Syria deggan yihiin caasimadda dalka Sweden ee Stochlom iyo magaalladda Gottenberg.

Dhinaca kale,Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sweden ilaa iyo hadda ma xaqiijinin wararka ku aadan saddexda Dhallinyarro ee Somali-Swedishka lagu dilay Degmadda Kobaani ee dalka Syria.

Victoria Bell oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sweden, ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka ee TT News Agency inay adag tahay in warar sugan laga helo Degmadda Kobaani, balse ay xaqiijin doonaan wararkaasi.

Wargeyska Expressen waxa uu qoray in ay 6 ilaa 7 Dhallinyarro Swedish ah toddobaad kasta ku biiraan Kooxda Daacish ama IS ee dagaalladda ka wada dalalka Syria iyo Iraq.

Xigasho:- The Expressen