Shacabka XAMAR oo ka baroordiiqaya

0

Iyagoo ka xun labo macallin oo xanaanada carruurta dhigi jiray oo lagu dilay degmada Dharkenleey ee magaalada usbuucii hore, ayay shacabka Muqdisho ugu baaqayaan mas’uuliyiinta inay sameeyaan dadaal walba oo lagu soo qaban karo gacan-ku-dhiigleyaasha lana horkeeno caddaaladda.

Labada dumar ah waxaa lagu dilay 2-dii November rasaas looga soo riday baabuur maray meel guryahooda u dhow xilli ay u sii socdeen xannaanada carruurta ee ay ka shaqeeynayeen. Weeraryahannadii ayaa isla markiiba ka cararay goobta.

Guddoomiyaha Degmada Dharkenleey Aadan Maxamed Cumar ayaa ku eedeeyay al-Shabaab inay ka dambeeysay weerarka wuxuuna sheegay inay ciidamada ammaanku ku daba jiraan kuwa ma’suulka ka ah.

Faadumo Maxamuud Cumar, oo jirtay 25 sano, iyo Fatxi Maxamuud Guuleed, oo jirtay 27, waxay ahaayeen saaxiibbo isku dhow oo wax ka dhigi jiray Alif Academy, oo ah xannaano carruur oo ay dhigtaan 20 wiilal iyo gabdho ah oo ay da’doodu u dhexeeyso labo illaa toddoba jir, ayay sheegtay Faadumo Axmed oo ku jirta maamulka iskuulka, iyadoo codsatay in loo adeegsado magac kale sababo ammaan awgood.

Iskuulka waxaa la furay May waana xannaanadii carruurta ee ugu horreeysay ee Muqdisho laga furo taniyo dagaalkii sokeeye.

“Hadafkayagu waa inaan carruurta si wanaagsan u korinno oo aan dhisno fikirkooda oo aan waxbarno anagoo adeegsaneeyna hab casri ah [ee waxbarid] inta ay ka yaryihiin shan jir illaa ay gaaraan toddoba jir,” ayay sheegtay Faadumo.

Labada macallin oo la dilay waxay ka mid ahaayeen ardaydii 2014 ka qalin-jabiyay Jaamacadda SIMAD, oo ah jaamacad gaar loo leeyahay oo Muqdisho ku taala, halkaas oo ay ka barteen maamulka ganacsiga, ayay tidhi.

Ma jirin sabab loo beegsado macallimiinta, ayay tiri

Geeridoodu waa mid xanuun badan, ayay tidhi, sababta oo ah waxay ahaayeen dumar Soomaaliyeed oo aqoon leh oo ay ka go’neeyd inay u adeegaan horumarinta carruurta yaryar, laakiin lama siin fursad dheer oo ay xirfadahooda ku adeegsadaan.

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed cidna kalama aysan soo xidhiidhin iskuulka inta ay baadhitaanka ku wadaan weerarka, ayay tidhi, iyadoo raacisay inay duruustii iskuulka si caadi ah u socoto.

‘Dagaal lagula jiro dumarka aqoonta leh’

Maalintii ku xigtay markii labada macallin la dilay, gabadh saddexaad ayay dad aan la garaneeyn middi ku dileen degmada Hodan, iyagoo markaasna goobta ka baxsaday.

Usbuuc ka hor, 28-kii October, ayaa gabadh dhallinyaro ah oo loo maleeynayo inay jirtay labaatameeyo sano lagu dilay degmada Hodan, ayay sheegtay guddoomiyaha Ururka Dumarka Banaadir Jawaahir Baarqab.

“Shacabka degmada ayaa noo soo sheegay geerideeda,” ayay tiri, iyadoo ku tilmaantay dilalka “wax laga naxo”.

“Dumar in la dilo kama mid ahan dhaqanka Soomaaliyeed,” ayay tidhi Baarqab, iyadoo raacisay inay ku kalsoon tahay in dambiileyaasha “la soo qaban doono maalin uun, isla sidii kuwii dilay Nafisa Cusmaan loo soo qabtay”.

Nafisa Cusmaan Salaad waxay ahayd ardayad jaamacad oo ka shaqeeynaysay gargaarka oo la kufsaday lana dilay April ka dib markay xagjiriin al-Shabaab ah ka afduubteen gurigeeda. Labo nin ayaa mar dambe lagu soo oogay dacwada, lagu helay dambiga loona toogtay dilkeedii.

“Jawi aad u adag iyagoo ku nool ayay waxbarasho raadsadeen,” ayay Baarqab tidhi iyadoo ka hadlaysa labada macallin.

“Looma dilin sababo siyasadeed sababtoo ah siyaasadda lug kuma aysan lahayn loomana dilin sababo dhaqaale waayo ma aysan ahayn ganacsadeyaal,” ayay tidhi. “Waxaa loo dilay inay ahaayeen xubno firfircoon oo bulshada ka tirsan oo isbeddel doonayay. Sidaas darteed, kani wa dagaal lagula jiro dumarka waxbartay.”

Baarqab ayaa sheegtay inay caddahay in xagjiriinta al-Shabaab ay ka dambeeyeen dilka dumarkan, maaddaama ay iyagu yihiin kuwa la dagaallamaya iftiinka iyo aqoonta ummadda Soomaaliyeed.

Hase ahaatee, weerarradan ma joojinayaan isbaddalada ay dumarku doonayaan inay ka dhex sameeyaan bulshada, ayay tidhi.

“Dumarka Soomaaliyeed waxaa ka go’an badbaadinta bulshadooda,” ayay tidhi Baarqab.

Soomaaliya waxay hadba marxalad cusub galaysay muddo 25 sano ah, ayay tidhi, iyadoo raacisay, “Maanta oo aan aragnay neecaawda, nolosha iyo horumarka dawladnimada uma malaynayo inay jirto cid howsheena hor istaagi karta.”

Dilalku waxay xadgudub ku yhiin Islaamka

Dilalkani waa fal argagixisanimo, ayuu yidhi wadaadka Ahlu Sunna wal Jamaaca Sheekh Maxamed Xuseen Cusmaan. “Kuwii dilay waxay ku xadgudbeen sumcaddii shacabka Soomaaliyeed iyo tii diinta Islaamka,” ayuu yiri.

“Waa xaaraan in la daadiyo dhiigga qof kastoo Muslim ah. Islaamku bini’aadamka waa uu karaameeyay, gaar ahaan dumarka. Dhaqanka Soomaaliyeed waxay dumarku ka yihiin birimagaydo, marka waa fal aad looga caroodo,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, macallinka hawlgabka ah ee 75-jirka ah Saalim Cali ayaa sheegay inay gacan-ku-dhiigleyaashu yihiin cadowga dhabta ah ee ummadda Soomaaliyeed.

“Qof dumar ah oo waxbaratay waxay [la mid tahay] bulsho waxbaratay, waxaanan dhihi karaa kooxaha dilalka foosha xun geystay waa cadowga bulshada Soomaaliyeed,” ayuu sheegay.

“Aad iyo aad ayaan uga murugooday, markii aan maqlay dilkoodana waxaan uga naxay si aanan uga nixin markaan maqlo musiibooyinka ku dhaca xubnaha kale ee bulshada waayo waxaa Soomaaliya aad ugu yar macallimiinta dumarka ah,” ayuu yidhi.

Cali ayaa ugu baaqay maamuleyaasha iskuullada, macallimiinta iyo ardayda Muqdisho inay qaban-qaabiyaan muddaaharaad lagu dhalleeceeynayo dilalka.

“Waa inaynaan ka aamusin dilalka foosha xun ee ka dhex dhaca bulshada, siiba dilka macallimiinta,” ayuu yidhi, isagoo raaciyay inay mujrimiintu falalkaas ku doonayaan inay burburiyaan bulshada Soomaaliyeed.

“Waxan uma dulqaadaneeyno,” ayuu yidhi, isagoo dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay si degdeg ah u soo qabato kuwii dilay macallimiinta.

Dumarka oo cabsi ka qaba nabadgelyadooda

Deeqa Cali, oo ah 25-jir u shaqeeysa Shara, oo ah hay’ad gargaarka insaanka ah oo fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa sheegtay inay ammaankeeda u baqeeyso ka dib dilalkii ugu dambeeyay.

“Labo maalmood maan shaqo tagin,” ayay sheegtay-tii November. “Waxaan ka fakarayaa inaan shaqadeeyda iska daayo waayo waxaan bilaabay inaan cabsi ku noolaado. Waxaan mar walba dareemayaa in dhibaato la ii geysan doono. Marka aan jidka marayo, waxaan ka shakiyaa qof walba oo igu soo socda ama i daba socda.”

Hani Cusmaan, oo ah 22-jir caafimaadka ka barata Jaamacadda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay sidoo kale walaac joogto ah ku sugan tahay ka dib markay ogaatay in dhowr dumar ah lagu dilay Muqdisho.

“Waxaan xasuustaa dilkii Nafisa Cusmaan, oo ka mid ahayd bahda Jaamacadda Soomaaliya,” ayay tiri.

“Waxay waalidkeey soo jeediyeen inaan intii muddo ah joojiyo aadista jaamacadda, laakiin wali waan tagaa [inkastoo] aan cabsi ku noolahay,” ayay tidhi Cusmaan. “Ma garanayo sababta loo beegsanayo dumarka aan waxba galabsan, laakiin Ilaahay ayaa soo saari doona kuwa dilaya dadka aan waxba galabsan.”

Shamso Maxamuud, oo ah 24-jir ku nool Xamar Weyne, ayaa labada dil ku tilmaantay wax aad u fool xun.

“Dilalka noocan oo kale ah waxaa geeysta dadka wax ma garatada ah ee caaddeystay daadinta dhiigga dadka bulshada waxtarka u leh,” ayay u sheegtay. “Aad ayaan u dhalleeceeynayaa waxaanan ka codsanayaa dawladda Soomaaliya inay soo qabato gacan-ku-dhiiglayaashii ka dambeeyay falkan gurracan.”

Hase ahaatee, Shamso waxay dhaliil ka muujisay sida ay ciidamada ammaanku u wadaan baadhitaannada.

“Waxaan dhaliilsanahay laamaha ammaanka sababta oo ah ma arko dadaallo socda [oo looga gun-gaadhayo] dilkii labada gabdhood ee macallimiinta ah,” ayay tidhi, iyadoo raacisay inaysan bilaysku wax macluumaad ah oo ku saabsan baadhitaanka la wadaagin shacabka. “Waxaan weeydiisanayaa qof walba oo Soomaaliyeed oo waddaninimo ku jirto inuu raadiyo gacan-ku-dhiigleyaasha.”