Mooshinka ka dhanka ah CABDI WELI oo maanta la horgeynayo Baarlamanka

0

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo Talaado ah, taariikhduna ku beegan tahay 11-bisha November uu dhici doono shirkii caadiga ahaa ee baarlamanka.

Shirka baarlamanka ayaa maalmahan u xayirnaa khilaafka ka dhex oogan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo xal loo raadinayey.

Xubno ku dhow Jawaari iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka, ayaa Allgalgaduud u sheegay in kullanka maaanta uu guddoomiyaha ka shaacin doono in mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hor-yaallo.

“Jawaari waxa uu noo xaqiijiyey in mooshinka lagu dhowaaqi doono maanta, waana wax aan ka fileynay” ayuu yiri xildhibaan ka mid ah kuwa mooshinka keenay.

Sida caadada ah, marka shir-gudoonka uu maanta ka hor-sheego kulanka in Baarlamaanka uu hor-yaalo mooshinka, ayaa kadib Xildhibaanada loo qeybin doono nuqullada mooshinka, isla markaana muddo shan cisho kadib uu bilaabanayo ka doodista mooshinka sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Marka laga dodo mooshinka, ayaa kadib waxaa codka kalsoonida loo qaadayaa ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Go’aanka Jawaari, ayaa yimid kadib markii uu ku guul darreystay inuu xal dhex dhigo madaxda sare ee dalka. Sidoo kale waxaa fashilmay dadaalladii beesha caalamka, kadib markii Xasan Sheekh uu ku adkeystay in xalka ku jiro in Cabdi Weli baxo.