Mareykanka Oo Walaac ka Muujiyay Khilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo R/wasaare C/wali Sheekh…

0

Warbixin cusub oo lagu  daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in talaabada lagu doonayo in mooshin lagu horgeeyo baarlamaanka Somalia, kaas oo codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisal Wasaaraha Somalia xukumada somaliya,ay aad ugu walaacsantahay dowlada Mareykanka.   Afhayeenka  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Jen Psaki ayaa waxaa uu sheegay in mareykanka uusan wafdi heersare udiri dooni shirka dhawaan ka furmaya Mgalada Cobanheegan ee dalka Denmark kaa soo looga hadlayo arimaha New Deal-ka somaliya,isagoo usababeyay khilafka madaxda dowladda somaliya . Jen Psaki waxaa kale oo uushegay in mareykanka uu dhexdhexaad ka yahay muranka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Warbixinta lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxaa lagu yri markale ‘’hogaanka Somalia oo siyaasad ahaan ku kala qeybsan darteed, mareykanka uma arko in fa’ido ay ku jirto in shirka Cobenheggan uu u diro wafdi ka socda dalka mareykanka. Dalka Maraykanka iyo wadamada Midowga Yrub ayaa welwel ka muujiyey xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka Somalia.