DAAWO SAWIRKA:-Maamulka Luuq oo kahadlay xaalada degmadaasi

0

Gudoomiyaha cusub ee degmada Luuq Maxamed Xuseen Cismaan Afmarandiid oo lahadlay warbaahinta ayaa kahadlay dhinacyo badan oo ay kamid yihiin xaaladaha nololeed ee degmada, saameynta fatahaadaha, iyo baaq ku wajahan ha’adaha samafalka iyo jaaliyadaha kasoo jeeda gobolka ee dibada kunool.

Ugu horeyn waxa uu sheegay gudoomiyuhu in xaalada dadka kunoo, Luuq ay tahay mid adag oo u baahan in laga taagero dhinacyo badana, waxaana uu xusay in saameyn weyn ay ku yeesheen fatahaadaha jira, isagoo qiray in maamulkooda ay sameeyeen dadaalo ay ku doonayeen in lagu gar gaaro dadka.

Luuq Maxamed Xuseen Cismaan gudoomiyaha degmada Luuq ayaa ugu baaqay jaaliyada dibada iyo ha’adaha samafalka e kahowlagala dalka in ay ka qeyb qaataan baxnaaninta dadka kunool Luuq oo uu sheegay in iminka ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in ay aad uga liidato degmada dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka islamarkaana ay u baahanyihiin in laga taageero.

SAMSUNG CAMERA PICTURES