Dhageyso:Ergooyinka Shirka Baydhabo oo ka horyimid Amarkii Madaxda

0

Xasan Maxamed Xuseen oo kamid ah Ergooyinka Shirka lagu dooranayo Hogaanka Maamulka Gobolada Baay,Bakool iyo  Shabellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxda Dowladda aysan waxba joojin ka rin oo uu Shirka Baydhabo soconayo.

Xasan Maxamed ayaa intaa ku daray hadalkiisa in Madaxweynaha Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya ay dooranayaan Maalinta Khamiista ee Soosocota,taasna ay muujineyso in Shirka uu wali soconayo.

Qoraal Shalay si wada jir ah uga soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Amray in la joojiyo Shirka Baydhabo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka