XOG:- Xildhibaanada Aalla Sheekh oo ku biiray garabka Xasan Sheekh, sabab?

0

Muqdisho,AGGM: Ilo-wareedyo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Heshiis uu dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Aalla Sheekh ee ku jira baarlamanka.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in Heshiiskaasi uu yahay mid looga miro dhalinaayo Mooshinada looga soo horjeedo Ra’isul wasaare C/Weli Sheekh Axmed, iyadoona ay wararku intaa kusii darayaan in Xasan uu xil sare u ballan qaaday Aalla Sheekh inay ka qaban doonan Xukuumada soo socta waa hadii ay hirgaliyaan ballamaha.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay in kabadan 12 Xildhibaano ka tirsan Aalla Sheekh, waxa uuna ka dalbaday inay garab ku siiyaan soo afmeerida Khilaafka kala dhexeeya C/weli islamarkaana ay dhankooda ka daadihiyaan Mooshinka socda.

Tan iyo markii doorashada looga guuleystay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa sii xumaanayay xiriirada ka dhexeeya Dam-Jadiid iyo Aalla Sheekh, iyadoona iminka ay muuqaneyso dadaalo ay uga mideysan yihiin riditaanka R/W C/weli.

Haddii mooshinada looga itaal roonaado Cabdi Weli ayaa waxaa la filayaa in Xukuumada imaan doonto ay Alla Sheekh ka heli doonaan kuraas badan, inkastoo aan leysu haleyn karin ballamaha Xasan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com