Sawirro;Mu’assasada Al-Minhaaj Galdogob oo Safar Dacwo ku tagtay Xero-jaale iyo Isqanbuus.

0

Galdogob,AGGM: Culumada Mu,assasada Alminhaaj Galdogob oo ay wehliyeen Odoyaal , Waxgarad iyo waliba Masuul kamid ah Gudida joogtada ah ee Golaha Deegaanka degmada ayaa waxay ugu bexeen Jowlo dacawi ah qaybo kamid ah tuulooyinka hoostaga Degmada Galdogob.

Jawladaani oo ah tii labaad ee Mu’asasadu ay ugu baxdo Deegaanada Hoostaga Galdogob ayaa waxaa looga gol lahaa in lagu wacyi galiyo Dadka deegaanadaas degan iyo reer miyiga ku xiran maadaama Allaah uu u barwaaqeeyey oo raxmadiisii ugu roonaaday.

Barqanimadii ayey culumadu gaareen Tuulada Xero-jaale oo 18KM dhanka bari kaga aadan Magaalada , waxayna dacwo shaaric ku qabteen Bartamaha Tuulada , maadaama Culumadu ay wateen gaari ay ku xiran yihiin Codbaahiyayaal waawayn oo codka culumaduna gaarsiinayey gees ilaa geeska kale ee Tuulada.

Muxaadaradii kadib ayaa maykarafoonka lagu wareejiyey Culumada iyo Waxgaradka Tuulada waxayna aad u soo dhaweeyeen Booqashada Culumadu ay ugu yimaadeen, waxayna codsadeen in loo badiyo wacyigalinta diimeed lagana hadlo arimo deegaanka kusoo kordhay oo ah qaybo kamid ah dadka oo deegaankii xooluhu daaqi jireen xirmaysanaya.

Intaasi kadib Culumadu waxay usii gudbeen Tuulada Isqanbuus waxayna muxaadaro diini ah ku qabteen masjidka tuulada, kadibna Mu,assasadu waxay dhaqaale uruurin u samaysay dugsigii tuulada oo xirmay, ayadoo dhaqaalahaas loo adeegsan doono inaan mar danbe daaciga iyo macalinka tuuladu uusan uga tagin dhaqaale la’aan , sidoo kale waxay Mu’asasadu balanqaaday in si degdeg ah halkaas ay ku keeni doonaan Sheekh shaqada Dacwada iyo Waxbarashadaba Tuulada ka haqabtira.

Dhanka kale Maamulaha Dugsiga Daarul Hidaaya ee Galdogob kana mid ah hawl wadeenada Mu,assasada Alminhaaj galdogob Ustaad C/nuur Max’ud C/samad.
Ugu danbayntii waxaa hadalo mahad celin iyo bogaadin isugu jiray halkaasi kasoo jeediyey Nabadoon Faarax Ashkir Muuse oo ku hadlayey Codka Dadka ku dhaqan Deegaanka Isqanbuus iyo nawaaxigiisa.

Sikastaba ha ahaatee waxaanan la iska indha tiri kirin Baahida weyn ee Dadka Tuulooyinka iyo reer miyigu ay u qabaan Wacyi galinta Diinta iyada oo Mu’asasada Al-Minhaajna ay u istaagtay sidii ay iskugu dayi lahayd inay daboosho Baahidaasi aadka Muhiimka u ah.

galdogob (1) galdogob (2) galdogob (3) galdogob (4) galdogob (5) galdogob (6) galdogob (7) galdogob (8) galdogob (9) galdogob (10) galdogob (11) galdogob (12) galdogob (13) galdogob (14)

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi
Madaxa Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Mdia
allgalgaduud@gmail.com