Dhageyso: Xildhibaan Cabdirashiid Xidig “R/wasaare Cabdiwali Sheekh Ha Baneeyo Xafiiska”.SHALAY IYO MAANT…

0

Muqdisho,AGGM:Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka mid ah Xildhibanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya in mudo ah uu ku jiray dhibaato loona baahan yahay in daqiiqad aysan ka dhumin si looga saaro dhibaatadaas.

Cabdirashiid Xidig ayaa waxa uu iminka ka mid yahay Xildhibaanada u ololeenaya in Raiisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed baneeyo Xafiiska oo xilkana laga xayuubiyo.

Dhinaca kale Xildhibaan Xidig ayaa horey waxa uu uga mid ahaa kooxaha u ololeeya Raiisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed

Isku soo wada duuboo Siyaasada ayaa waxa ay lahayn Saaxiib Joogto Ah balse waxa ay leedahay Dano Joogto Ah, sida hadda muuqatana Raiisul Wasaare Cabdiwali Sheekh ayaa waxa laga lahayn wax dan ah ka dib markii lagu fushaday danihii joogtada ahaa ee ay lahaayen Xildhibaan Xildhibaan  iyo kooxdiisa Raaskambooni….

 Halkaan Hoose Ka Dhageyso Xildhibaan Xidig Maanta….

Halkaan Hoose Ka Daawo Raiisulwasare Cabdiwali iyo Xildhibaan Xidig Shalay….

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com