Dhageyso: Horjooge Maxamed Dulyadeyn “Jaziirada Kudhaa Waxaa Maleeshiyada Raaskambooni Uga Dilnay 400, Kismaayona Dhawaan Waan Qabsanaynaa”….

0

Kismaayo, AGGM; Maleeshiyada Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa waxay sheegeen in isku dayayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Horjooge Maxamed Dulyadeyn oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ayaa cod laga soo duubay isagoo jooga baa la yiri Jaziirada Kudhaa ayaa ku hanjabay inay qabsan doonaan Magaalada Kismaayo.

Horjoogahan la yiraahdo Dulyadeyn ayaa sheegay in u hanqal taagayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Gawaarida Taangiyada ah ee Ciidanka AMISOM leeyihiin ee yaalla Deegaanka Buula Guduud ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Mar uu ka hadlay Dulyadeyn arinta kusaabsan dagaalkii labo maalin ka hor ka dhacay Jaziirada Kudhaa ayaa sheegay in ku dhaw 4oo Askari ay kaga dileen dagaalkaasi maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo Horjooge Maxamed Duladeyn ayaa waxa ay qaraabo dhow yihiin horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo horya uga tirsanaa falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab, welina sida la sheegayo xiriir dhow la leh qaar ka mid ah Horjoogeyaasha sare ee maleeshiyada aragagixisada ah ee Al Shabaab….

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Duladeyn

axmed madoobe

Sawirka Horjooge Maxamed Duladeyn iyo Horjooge Axmed Madoobe..

Sawirka Horjooge Maxamed Dladeyn

Isha Ku Hay Allgalgaduud Mdia
allgalgaduud@gmail.com