Top News:Horjooge Axmed Madoobe oo argagax lagu riday iyo dhacdo xanuun badan oo uu kala…

0

Kismaayo,AGGM: Wararka ka imaanaya Jaziirada Kudhaa, ayaa sheegaya in Horjoogaha maleeshiyo beleedka Raaskambooni Axmed Madoobe uu Maleeshiyada falaagada argagixisada ah ee Alshabaab kala kulmay dhacdooyin uur kutaallo ku beertay, kadib markii Alshabaab ay dab qabadsiiyeen Meydad iyo Ciidamo daacad u ahaa Axmed Madoobe.

Dadka deegaanka Jaziirada Kudhaa ayaa warbaahinta u sheegay in i shooda ay qabaneysay Maleeshiyada Al-shabaab oo wadooyinka ku jiijiidaya Meydad iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo la gubay.

Meydadkaani oo tiradooda lagu sheegay ilaa 10 ayaa lasheegayaa inay ku geeriyoodeen dagaalkii ka dhacay Jaziirada Kudhaa, halkaasoo ugu dambeentii ay kooxda Al-shabaab kala wareegtay maleeshiyada Horjooge Axmed Madoobe.

Warar kuwaasi khilaafsan ayaa sheegaya in goobaha qaar lagu arkaayay maleeshiyaad u dagaalamaayay Horjooge Axmed Madoobe oo qoorta laga jaray, kuwaasi oo la sheegay in nolosha ay ku qabteen maleeshiyada kadibna ay qaleen, sida aan xogtu ku helnay.

Dhanka kale warar waxyar ka hor naga soo gaaray Jaziirada ayaa sheegay in laga dareemayo gudaha Kudhaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Al-shabaab wadaan kuwaas oo ku aadan sidii ay isaga caabin lahaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  oo qorsheynaya inay weerar ku soo qaadaan jaziirada Kudhaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com