Top News: Al-shabaab hubaysan oo lagu dhex arkay Puntland

0

Boosaaso,AGGM: Habeenkii xalay ahaa ayaa magaalo ka mid ah deegaanada uu ka arimo maamulka Puntland, waxaa laud hex arkay Al-shabaab hubaysan, taa oo dad badan argagax ku reebtay.

Duleedka magaalada Boosaaso, waxaa xalay lagu arkay gaari nooca dagaalka ah, islamarkaana uu u xiranyahay calanka Kooxda Al-shabaab, kaa oo ay saarnaayeen askar ku dhaw 10.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Shabakada Allgalgaduud, in askartaan ay arkeen ahaayeen kuwo aad u hubaysan, misane dadkii halkaasi ku sugnaa ka kala eryay goobta.

Ciidamada amaanka oo si hoose loo wacay ayaa la sheegay in goobta ay soo gaareen, laakiinse waxaa baxsaday gaarigii iyo kooxdii yareed ee saarneed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com