TOP: Tirada saxda ah ee Xildhibaanadii waday Mooshinkii RW C’Weli {Akhriso }

0

Warar kala Ayaa kasoo baxay Tirada Xilibaandii waday Mooshinkii La doonayay in Codka Kal Soonida Lagala Laabto RW C’Weli Sheikh Axmed Maxamed .

Inkastoo Mudanayaal Katirsan Baarlamaanka Ay Dhowr Jeer Warbaahinta Kashegeen in Ay Gaarayaan 140 Mudane Ayaa warar Hoose Waxaa ay Hada Tilmaamayaan in Tirada Baarlamaanka Mooshinka Abaabulayay uu intaas ka yar yahay.

Ilo wareed kusugan madaxtooyada ayaa shegay in ay been abuur ahaaen tirade xilibaanada mooshinka waday oo lagu shegay in ay gaarayeen 140 balse lashegay in ay ka yaraayeen 100 xilibaan.

In kastoo Gudoonka sarre Ee Baarlamaanka xalay shir jaraa’id uu muqdisho ku qabtay isaga oo ay garab fadhiyaan kuxigeenadiisa waxaa uu xilibaanada wada mooshinka uga digay in arimaa Qilaafka madaxda aysan ka faa’iideysan oo aysan xiisad sii abuurin isagoona joojiyay mooshinkii ra’isul wasaaraha laga waday.