DHAGEYSO:- Wasiirka Difaaca “Shirarkii aan Dubai uga qeyb galay guul ayuu ku soo dhamaaday”

0

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamad Sheekh Xasan Xaamuud oo maanta dalka dib ugu soo laaabtay ayaa sheegay shirar dhowr ah oo uu kaga qeyb galay magaalada Abu Dhabi uu ku soo idlaaday guul.

Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa tilmaamay in shir looga hadlayo burcad badeedda Soomaaliya lagu qabtay magaalada Abu Dhabi, kaasi oo uu furay Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaradka mudane Sheekh Cabadalla Bin zayid Al-Nahyaan.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sida loo yareyn karo dhibaatada burcad badeeda, waxaana goobta la sheegay in afartii sano ee ugu dambeysay ay yaraatay falalka burcad badeeddu ay ku qafaalan jireen maraakiibta iyo doonyaha isticmaalay badweynta Hindiya iyo gacanka cadmeed.

“Shirka aniga ayaa gabo gabadiisa soo xiray, waxaa kaloo goob joog ka ahaa xubno ka socday Maamulada Somaliland, Puntland iyo Galmudug, waxaana la isla gartay in burcad badeeddu lagala dagaalamo gudaha oo loo abuuro shaqooyin” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa yiri “Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaradka Carabta mudane Sheekh Cabadalla Bin zayid Al-Nahyaan ayaan magaalada Abu Dhabi ku kala saxiixanay heshiis guud oo dhanka difaaca ah, dowladdu waxa ay xoogga saareysaa dib u dhiska ciidanka, si ciidamada ay u noqdaan kuwa la wareega guud ahaan amniga dalka”.