Xog: Gudoomiye Jawaari Iyo Xildhibaanada Taageersan R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Xalay Kulan Yeeshay.Maxaase Kasoo Baxay?

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay Gudoomiyaha Baarlamaanka uu la qaatay kullan Xildhibaanada la safan R/wasaare Cabdiwali Sheekh ee kasoo horjeeda Mooshinka laga gudbiyay Xukuumadiisa.

Warkan ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in Kullanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari Iyo Xildhibaanda lagu lafa gurayay sharci ahaanshaha Mooshinka laga gudbiyay Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh.

Ugu horeynti Xildhibaanada ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ugu caga jug leeyay hadduu aqbalo Mooshinka laga gudbiyay Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh uu dagaaal kuraasta laysla dhaco uu ka dhici doono gudaha Baarlamaanka, kurisga ugu horeeyana uu haleeli doono Gudoomiye Jawaari.

Kullanka ayaa waxa uu kusoo dhamaaday in Gudoomiye Jawaari uu ku qanciyay inuu la fadhiisan doono Xildhibaanada Mooshinka Soo Gudbiyay iyaga uu dhageesan doono intaas inta ka horeysana leeys dajiyo.

Dhinaca kale Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda kullan la qaato Xildhibaanada Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh kasoo gudbiyay Mooshinka…

Isku soo wada duuboo waxaa khilaafka madaxda sare ee dowladda uu curyaamiyay gabi ahaan howlihi shaqo ee dowladda, waxaa dalka uu qarka u saaran yahay xaalad qatar ah oo sababi karta in ay soo noolaadaan kooxaha xagjirka ah ee dowladda dagaalada kula jira….

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com