Xog: Beesha Caalamka Oo 48-saac Gudahood War Kasoo Saaraysa Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya…

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo ku dhow dhow xafiisyada Madaxda Sare ee dowaldda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in beesha caalamka 48-saac gudahood war kasoo saarayaaan Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa oo ay shegeen Ilo wareedyadeena in beesha caalamka moowqifkooda ugu dambeeya ay shaacin doonaan 48 saac ee soo socota.

“Walaaloow Ilaa iyo hadda ma ay jirto cid og mooqifka dhabta ah amaba kama dambeysta ah ee beesha caalamka ee ku aadan khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inay 48-saac ee soo socota gudaheed ay shaaciyaan”.

Waxaa jira warar sheegaya in Beesha Caalamka ay Taageersan yihiin R/wasaare Cabdiwali Sheekh, balse ma ay jiraan wax qoraal ah oo kasoo baxay beesha Caalamka oo cadeenaya moowqifkooda dhabta ah ee ku aadan Khilaafka Madaxda Sare ee Soomaaliya. waa sida ay hadalka u dhigeen ilo wareedyadeena ku dhow dhow xafiisyada Madaxda Sare ee dowaldda Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo waxaa illaa hadda la saadaalin karin warka kasoo baxaya beesha Caalamka iyo halka uu saldhigan doono khilaafkan mudada bilah ah hakiyay dhamaan hoowlihi shaqo iyo geedi socodka hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com